Home » News & Politics » Gabay: Dhaygag – Nageeye Cali Khalif

Gabay: Dhaygag – Nageeye Cali Khalif

Written By Dalsoor on Sunday, Oct 30, 2016 | 06:23 AM

 
Gabay: Dhaygag – Nageeye Cali Khalif Dhallinyarayahay dalkeenii dhamaa maanta waa dhacane Haddaydaan u dhiman diinta iyo dhaadashada ciida Dhuuxiyo haddaynaan u shubin dhiigga iyo heenka Maba dheera goortay dalkaba inaga dheelmaane Dhakhsadoo ka kaca lama fadhiyo dholondhol ceebeede